Dekatul Raxmaan
Dekatul Raxmaan waa dekad dabiici ah oo ku taal Gobolka Bari ee Dalka Soomaaliya, Dekadanu waxay aad u shaqayn jirtay ka hor intaan la dhisin dekadaha Dalka ee gacan ku samayska ah gaar ahaan Dekadda Magaalada Boosaaso. Waxay ku taal Deegaanka Bacaad oo Afartan kilo mitir u jira Magaalada Boosaaso kagana aadan jihada Bari, kana mid ah meelaha maamul ahaan hoos yimaada degmada Boosaaso.
Read article